Doorasho ka dhacday Muqdisho [Yaa kusoo baxay?]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Xerada Tababarka Booliska Jeneraal Kaahiye Maanta lagu doortey afar Xildhibaan, oo qeyb ka ah kuraasta Somaliland ee Aqalka Hoose.

Shaqsiyaadka kusoo baxay ayaa waxay isagu jiraan kuwa horey kursiga ugu fadhiyay iyo kuwa cusub, waxaana u codeeyay ergo qabiil, oo gaaraya 101 Xildhibaan walba dooranayay.

Waxay kala yihiin guuleystiyaasha: Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo kursiga horey ugu fadhisay, Jaamac Mohamed Askar, oo isna difaacdey kursiga, Guuleed Biixi Abdi iyo C/llaahi Cismaan Ducaale.

Waxay doorashaddan imaanaysaa maalin kadib markii Rooble uu 7 xubnood ka saarey Gudiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ka leexdeen dhex-dhexaadnimada iyo xeerarka shaqadooda.

Doorashadda Soomaaliya ayaa aad u daahdey, iyadoo dib u dhacyada ay yihiin kuwa aan dhamaad lahayn, waxaana socda isku dayo Xafiirka Ra'iisul wasaaraha ku xalinayo tabashooyinka Mushariixinta Mucaaradka ee xagga hufnaanta.

Musharixiinta ayaa shalay sheegay inay ka sugayaan Rooble kulan fool-fool ah inuu qabto, si loo saxo qaladaadka doorashadda, kadib markii habeen hore ay yeesheen wadahadal lagu qabtay aaladda ZOOM-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM