​Doorasho ka socotay Jowhar oo la isku rasaaseeyay

Image

JOWHAR, Somalia- Doorasho caawa fiidkii ka bilaabatay degmada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle, ayaa la isku gacan qaaday kadib markii tartan layaab leh dhexmaray xubno u sharaxnaa kursiga beesha Gugundhabe gaar ahaan Jufida Jidle.

Kursigan waxaa ku tartamayay saddex murashax oo ku jiray, wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Somalia, Maxamed Xasan Nuur iyo labo murashax oo lagu kala magacaabo; Nuur Bocor iyo Cirro.

Doorashada wareegii kowaad ayaa loo kala helay qaabkan hoose;

Wasiir Nuux, 21 Cod

Nuur Bocor, 6 Cod

Iyo Musharax Ciro oo helay 24 Cod.

Waxaa la galay wareeg kale oo ay ku tartameen Nuux iyo Cirro, balse waxaa natiijadii noqotay mid layaab leh, kadi markii 5 ergo aamustay, min 23-na u kala codeeyeen labadaas murashax.

Natiijadaas, waxay dhalisay buuqa iyo sawaxan taasoo markii dambe isu badashay in layrkii hoolka doorashada la dambiyo.

Dadaal ay galeen waxgaradka Jufidaas, waxaa loo ballamay in maalinta barri ah doorashada la galo, balse waxaa ka horyimid talo soo jeedintaas, wasiir Nuux sida ay noo xaqiijiyeen goob joogaal ku sugana hoolka doorashada Aqalka hoose degmada Jowhar.

Wararka warsidaha GO soo gaaraya, ayaa sido kale xusaya in rasaas dhexmartay ilaalada labada murashax, inkastoo aan la sheegin wax khasaaro ka dhashay.

Xaaladda ayaa caadi kusoo noqotay muddo kadib.Majirto wax war ah oo kasoo baxay guddiga doorashada iyo maamulka Hir-Shabeelle

Doorashada Aqalka hoose ee kasocota dalka Somalia, ayaa waxaa hareeyay musuq-maasuq iyo is-qabqabsi beelaha dhexdooda ah.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii la dilay mid kamid ah Ergo ku sugnayd degmada Cadaado ee maamulka Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM