​Doorashooyinka oo dib uga furmay Kismaayo, Baydhobo, Cadaado iyo Jowhar

Image

KISMAAYO, Somalia- Doorashooyinka Aqalka Hoose ayaa dib uga furmay Maanta magaalooyinka Cadaado, Kismaayo, Baydhobo iyo Jowhar, xilli ay jiraan dhaliilo lal xirrira Musuq-maasuq lagu sameynayo Kuraasta.

 Magaalada Jowhar waxaa 5 maalmood kadib saakay ka billowday Codbixinta Doorashada, waxaana Kursiga ugu horeeya kusoo baxay Maxa'uud Maxa'ed Jimcaale, waxaana dhiman 4 Kursi oo maanta la dooran doono.

Doorashada Koonfur Galbeed ee ka socoto Baydhabo waxaa guulaystay;

Saalim Caliyow Ibroow

Isgoowe Deerow

Cali Sheekh

Magaalada Cadaado waxaa la doortay Cabdiwali Qanyare Afrax, oo ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka uu Waqtigu ka dhammaadey.

Doorashada ka socota magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, waxaa kusoo baxay Xildhibaano uu kamid yahay Cali Cusmaan Xirsi.

Arrintan timid Xilli Qaramada Midoobay ay guddiga doorashada ku amartay inay dhaqso usoo afmeeraan doorashada Xildhibaanada Aqalka hoose ee Barlamanka Federalka dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM