Dowlad Goboleedyada oo Digniin kasoo saaray Xariga CC Shakuur

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka hadlay xariga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maxbuus u ah dowladda Federaalka Soomaaliya maalintii 4aad.

War Murtiyeed ay si wadajir ah usoo saareen Gollaha ayaa marka hore soo dhaweeyay sii deysmada shuruudeysan ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo xalay damaanad looga soo saarey xabsigii uu ku jiray.

Marka xigta, Gollaha ay ku midoobeen maamullada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ku baaqeen in si deg deg ah lagu dhameeyo kiisa CC Shakuur oo ay sheegeen inuu dhalilay xiisado siyaasadeed iyo mid amni oo kasoo cusboonaday magaalada Muqdisho.

Digniin

Sida ku xusan Murtiyeedka, Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa ka digay in dembi laga dhigo khilaafyada siyaasadeed ee ka jira dalka, lana beegsado siyaasiyiinta dhaliila waxqabadka dowladda FS.

Waxuu sheegay Gollaha in Dastuurka uu ogolaanayo in muxaafid iyo mucaaradba ay cabiri karaan fekerkooda ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, sidoo kalena aan la caburin karin xuriyada kulanka iyo qowlka/hadalka.

Dowladda Federaalka waxaa loogu baaqay inaysan ku xadgudbin xeerarka iyo qawaaniinta u degsan dalka, islamarkaana ay ilaaliso xuquuqda muwaadinka uu leeyahay.

Soo-jeedin

Waxa soo jeediyeen Madaxda maamul goboleedyada in awood ciidan loo adeegsado in lagu xaliyo kala duwanaanshaha fekerka siyaasadeed, taasi oo keeni karta kala qeybsanaan horleh iyo inuu dib ugu laabto dagaalladii Sokeeye.

Waxay kaloo ku baaqeen in khilaaf siyaasadeed kasta oo dhaca loo maro qaab is-qancin iyo dib u heshiisin ah, oo aan la adeegsan ciidamada Nabad Sugida iyo Militariga dalka.

Golluhu waxa uu ugu dambeyntii sheegay inuu diyaar u yahay in door uu ka qaato xal u helida arinta hadda taagan, ee ah xariga Cabdiraxmaan Cabdishkuur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM