Dowlad Shisheeye oo dhex-dhexaadinaysa madaxda Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya Olgan Bekar ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Hogaamiyaha maamulka Ahlu Sunna Macalin Maxmuud Sheekh Xasan Faarax.

Labadda dhinac ayaa kawada hadley khilaafka siyaasadeed ee ka dhex-taagan madaxda sare ee maamulka Galmudug, kaasoo hadda u muuqda mid faraha kasii baxaya islamarkaana aaney jirin cid u kala dab-qaadeysa.

Khilaafka ayaa waxuu salka ku hayaa fulinta heshiiskii awood qeysbsiga ee lagu gaarey Jabuuti, iyadoo uu hogaamiyaasha Galmudug ay hadda labo Garab u kala jabeen ayna ka muuqato is-maan dhaaf aad u wayn.

Turkiga ayaa doonaya inuu qaboojiyo xiisadda Galmudug, islamarkaana uu dhinacyadda isku keeno si xal waara looga gaaro khilaafka soo noqnoqday ee madaxda maamulkaasi la dagay, sida GO u sheegeen illo xog ogaal ah.

"Waxaan kulan wax ku ool ah aan la qaatay hogaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Maxmuud Sheekh Xasan Faraax," Bogga Twitter-ka ee Safaarada Turkiga ee Muqdisho, ayaa sidaas lagu soo qoray.

Sawir lasoo raaciyay qoraalka ayaa waxaa kasoo wada muuqday Safiirka Turkiga ufadhiya Muqdisho Olgan Bekar iyo Hogaamiyaha Ahlu Sunna, taasoo caddeynaysa in kulanka uu qabsoomay.

Dowladda Turkiga ayaa saameyn siyaasadeed iyo mid dhaqaale ku leh saaxada Soomaaliya, iyadoo taageero dhinac walba isugu jira siiya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada.

Sidoo kale, mashaariicyo kala duwan ayuu dalka ka fuliyaan, isagoo hadda gacanta ku haya Dekada magaalada Hobyo, taasoo dhismaheeda uu waqtigan socda, uuna soo dhagax dhigay dhawaan Madaxweyne Farmaajo.

"Khilaafkaan soo kala dhex-galay madaxda Galmudug ayaa saameyn kara mashruuca Turkiga ka wado Dekada Hobyo, sidaas darteeda xukuumada Ankara ayaa dooneysa in aysan taasi dhicin," sida waxaa GO u sheegay qof diiday in la baahiyo magaciisa oo Safaarada Turkida ee Muqdisho ka tirsan.

Kulanka dhex-maray Hogaamiyaha Ahlu Sunna iyo Safiirka Turkiga ee Muqdisho ayaa waxaanan la ogayn waxa uu ka bedali karo qalaan-qalka Siyaasaseed ee ka taagan Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM