Dowlada ajnabi loo haysto Al-Shabaabnimo oo hadashay

Image
Malaysian Axmed Mustaqiim Bintu Cabdixamiid ayaa ah 34-jir.

KUALA LUMPUR, Malaysia - Dowlada Malaysia ayaa Sabtida maanta ah waxay ka falcelisay muwaadinka u dhashay dalkaas ee maxkamada kaga soo muuqdey magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibada Malaysia, Saifuddin Abdullah oo uu soo xigtay mareega afka dheer ee Malaysiakini, ayaa shaaca ka qaadey in ay si dhow ula socon doonan xaaladaha ku gadaaman shaqsiga.

"Sidoo kale, waxaa ku dedaali doonaa in aan xaqiijino badbaadiisa," ayuu hadalkiisa ku daray Abdullah oo aan soo hadal-qaadin eedeymaha loo haysto Axmed Mustaqiim Bintu Cabdixamiid oo 34-jir ah.

Cabdixamiid oo uu wehliyo Dereyn Antonio Perez, 44-jir British ah, ayaa loo haystaa in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab lagana soo qabtey magaalada Mukale ee dalka Yemen ayaga oo sii baxaya.

Eedeysaneyaasha oo la sheegay in ay kala qaabilsanaayeen qorida xubno cusub ee ajnabiga ah iyo adeegsiga Tiknoolajiyadda casriga ah ayaa u xirnaa dowladda Soomaaliya muddo laba sano ah.

Cabdixamiid oo ku xeeldheer adeegsiga Tiknoolajiyada casriga ah ayaa ku doodey in Soomaaliya uu keenay "qof uu u malaynayo in uu dhintay oo ay wada dhigan jireen jaamacad ku taala Yemen".

Xeer-ilaalinta oo eedeysaneyaasha ku tuhmaysa in ay Soomaaliya u yimaadeen "si ay u daadiyaan dhiig" ayaa dalbadey in lagu xukumo "ciqaab u qalanta oo digniin u ah ajaaniibta kale ee lamidka ah".

Ajaaniibtan ayaa la rumeysan yahay in kadib ka bixitaankooda Soomaaliya ay Yemen ugu sii socdeen si ay uga mid noqdaan kooxaha argagixisada ah ee ku sugan dalkaas gaar ahaan Daacish.

Maxkamadda ciidamada ayaa la filayaa in ay go'aan kasoo saarto kiiskan maalmaha soo aadan kadib markii ay asbuucii hore soo gabagabeysay dhageysiga dooddaha dacwad-oogeyaasha iyo qareenadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM