Dowlada Ethiopia oo Safiir cusub u magacowdey dalka Somalia

Image

Addis Ababa- Madaxweynaha dalka Ethiopia  Mulatu Teshome ayaa safiirka wadanka Ethiopia u fadhiyi doona Somalia ayaa u magacaabey Jemaludin Mustafa Cumar, sidaas ayaa and ayaa lagu qorey bogga wakaalada wararka dalkaas ENA.

Safarada Ethiopia ee Somalia ayaa ah midda 83aad ay caalamka ku leeyihiin iyadoo wadankaas xafiis qunsulayad ku leeyahay sidoo kale magaalo madaxda maamulka Puntland ee Garowe.

Isbadalka Safiirka ayaa yimid bil kadib markii wadanka Somalia loo doortey  Madaxweyne cusub iyo Barlaman ka kooban aqal hoose iyo aqal sare.

Wadanka Ethiopia ayaa lagu eedeeyey inuu faragalin ku sameeyey doorashooyinkii ka dhacey Somalia.

Wakiilka wadanka Ethiopia u qaabilsanaa urur goboleedka IGAD "Gabre" ayaa noqdey ninka loogu hadal hayn badnaa inta ay socdeen nidaamka doorasho dalka Somalia 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM