Dowlada Farmaajo oo bilowday fulinta balanqaayaddii ay ka gaabisay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xilli waqtiga doorashada ay soo dhawaatay, dowladda waqtiga kasii dhacayo ee Farmaajo hogaamiyo ayaa bilowday in ay si boobsiis ah ku fuliso balanqaadyaddii ololaha doorashadda ee sandka 2016.

Inkasta oo ay muuqaneyso in ay adag tahay qaar badan oo kamid ah, haddana waxay Villa Soomaaliya beegsanaysa qodobada la fulin karo, waxaana kamid ah furitaanka waddooyinka ugu weyn ee caasimada ku yaala.

Al-Shabaab oo dalka looga saaro laba sano, cidii soo sheegta xogta qarax oo 100-kun Doolar la siinayo, in uusan ka shaqeyn doonin siyaasada khiyaano ku dhisan iyo furitaanka wadooyinka ayuu balanqaadey Farmaajo.

Dhamaan qodobadan iyo kuwa kal eoo muhiim u ahaa geedi u socodka dowladnimada Soomaaliya ayuu maamulka Farmaajo ee dib u doorashada doonaya uu ku guuldareystay in uu shacabka u fuliyo.

Qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo dhameystirka dastuurka ku meelgaarka ah ayaa kamid ahaa yaboohyada Farmaajo uu sameeyay.

Jidadka oo saddex sano iyo barkii ugu dambeeyay u xirnaa cabsi weeraro Al-Shabaab ayaa dhibaato ku noqdey shacabka. Haseyaashee, marka coddeynta soo dhawaatay ayay xukuumada u qabatay xaflad furitaankooda.

Talaabadan ayaa baraha bulshadda ka dhalisay hadalheyn badan. Siyaasiyiinta iyo dadka shacabka ah waxay ka keeneyn su'aallo badan, halka qaarkood ay ku qeexeen "olole siyaasadeed iyo mid ku wajahan doorashada".

Senator Ilyaas Xasan Cali, xoghayaha arrimaha dibadda xisbi siyaasadeedka Himilo Qaran kana tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka, ayaa sheegay in shacabka aan lagu marin-habaabin karin fulins oo daahdey.

"Xaflada Furitaanka wadooyinka Muqdisho kulahaa!!! Maka taqaanaa dad magaalo cadow heystey kasaarey! 3.8 kii bilood ay idin xernaayeen maxaad ku keenteen oo Doorashooyinka iyo furitaanka wadooyinka isku soo aadiyey ladhahay? Shacabka miyaa idinka dhega iyo indha yaryar!," ayuu kusoo qoray ciwaanadda uu ku leeyahay baraha bulshadda sida Facebook-ga.

Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa marka ay jeedinayaan khudbadaha waxay sawiraan waxyaabo qurux badan, iyagoo ka dhuunta in ay wajahaan xaqiiqada taasoo marka xafiiska ay la wareegeen ay arkaan caqabad culusn noqota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM