Dowlada Federaalka Somalia oo ka warbixisay Cabdimaalik Jones

Image

Dec 9,2015 (VOA}- Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay nin Mareykan ah oo lagu magacaabo Cabdimaalik Cabdisamad Jones oo isku soo dhiibay kadib markii uu kasoo baxsaday kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, oo Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay, ayaa sheegay in ninkan uu ka yimid magaalada Baltimore ee gobolka Maryland ee dalka Mareykanka, sida isaga laga soo xigtay.

Wasiirku waxa uu sheegay in Jones uu mas’uliyiinta dowladda u sheegay inuu muddo 4 sano ah ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, loona yaqaanay Khaliil.

Diini ayaa sidoo kale sheegay in ninkan uu sheegay inuu markii hore Soomaaliya kasoo galay deegaanka Dhoobley ee xuduudda Kenya, intii uu la joogay Shabaab-na uu guursaday gabdho Soomaaliyeed.

Shirka jaraa’id ee wasiirka waxaa warbixintan nooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste. 

HALKAN KA DHAGEYSO WARBIXINTA SHIRKA JARAA'ID

VOA

Related Articles

Kiiska Faragelinta Xasan Sheekh ee Gedo oo Jubaland gaarsiisay UN-ka

Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo ayaa aad u sii xoogeystay, iyadoo Kenya ay ku lug yeelatay dadaallo dhexdhexaadin ah.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 12:15PM

Dawladda Puntland oo adkaysay amaanka xeebaheeda

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale uga digay cid kasta oo isku dayda inay ka hortagto ciidamada ama adeegsato maleeshiyaad hubeysan.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 09:09AM