Dowlada Federaalka Somalia oo xirxirtey saraakiil ka tirsan ciidamada

Image

MUQDISHU March 6,2015 ( GO)- Dowlada Somalia ayaa xirxirtey saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka kuwaasoo loo haysto iney fududeeyeen weerarkii is-miidaaminta ahaa ee loo gaystey Hotelka SYL oo ku yaal magaalada Muqdishu.

Saraakiishaan oo tiradooda lagu sheegey Labo iyo Toban ayaa baaritaan ku socdaa kuwasoo lagu eedeeyey iney gacan siiyeen ururka Al-shabaab kadib markii baabuur qarax ka buuxo lagu dhuftey Hotelka SYL halkaaoso ay ku sugnaayeen wafti ka socda dowada Turkiga.

Weerarka lala beegsadey Hotelka SYL oo dhacey 22 January,2015 ayaa waxaa ku dhintey Sadex qof.

Waa markii ugu horeeysay saraakiil intaas tirdooda leegtahay loo xiro tuhun laga qabo iney gacan siiyeen ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira dowlada Somalia iyo ciidamada AMISOM.

Qaraxyada Is-miidaamiinta ah oo lala beegsado hotelada iyo goobaha kale ee dadka isugu yimaado ayaa waxaa la rumeysan yahay in ururka Al-shabaab tageero ka helaan qaar ka tirsan ciidamada amniga iyo shaqaalaha ka shaqeeya goobahaas.

Central Hotel weerarkii ismiidaaminta ahaa oo ka dhacey Feb 20,2015 ayaa waxaa ka qayb qaatey gabar shaqaale ah oo haysatey dhalasho wadanka Holand halka tuhun wayn laga qabo ilaaladii ka shaqeyneysay goobtaas qayb ka ahayeen fududeynta qaraxaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM