Dowlada Mareykanka oo liiska argagixisada caalamka ku dartey Cabdulqaadir Muumin

Image

Dowladda Mareykanka, ayaa shaaca ka qaaday in liiska argagixisada caalamka ku dartay Cabdulqaadir Muumin Cali, oo horey uga tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Muumin  oo horey ugu tirsanaa kooxda  Al-Shabaab, ayaa isaga iyo 20-xubnood oo kale,  bishii October ee sanadkii hore iclaamiyeen inay ku biireen Daacish, iyagoo xarumo ka samaystay deegaano ka tirsan Puntland.

Ninkaan ayaa lagu tilmaamey in ciidanka ka tirsan ururkiisa kordhiyey isagoo dhinaca kale afduub u gaysta caruurta da'doodu u dhexeyso 10-15 kuwasoo u tababarayo iney ku biiraan ururka ISIL.

Qoraalkaan oo kasoo baxey wasaarada arimaha dibadda Mareykanka  kaasoo numberkiisu ahaa 13224 (EO) ayaa lagu tilmaamey in Cabdulqaadir Muumin yahay Ninka madaxda u ah ururka ISIL ee geeska Afrika islamrkaana khatar ku yahay amaanka dalka Mareykanka iyo shacbkiisa.

Cabdulqaadir Muumin oo haysta dhalashada dalka Ingriiska ayaa qoraalkaan markii ugu horeysay ku tilmaamey doorka uu ku leeyahay ururada xag-jirka ee ka howlgala gudaha dalka Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM