Dowlada Somaliya oo ka digtey go'aanka Kenya ee Qaxootiga

Image

NEW YORK- Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya oo la hadlay Idaacada VOA laanteeda Af- Somaliga ayaa sheegey iney dhibaato ka dhalan karto hadii dalka Kenya ku dhaqaaqo xiritaanka xeryaha qaxootiga gaar ahaan Dhadhaab.

Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa meesha ka saarey wararka sheegaya in dowlada Kenya sababta ay u xireyso xeryahaan tahay iney hoy u noqdeen kooxaha argagixida ah ee weerarka ku qaada gudaha dalkaas.

Hadliya ayaa ka digey islamarkaana dusha uga tuurey mas'uuliyada dowlada Kenya in hadii caruurta dib loo soo celinayo gacanta u galaan kooxaha argagixisada ah kuwasoo ka dagalama inta badan Koonfurta Somaliya. 

Wasiirka ayaa sheegey sidoo kale inuu la hadlay Wasiirka arrimaha dibadda Kenya islamrkaana u sheegey in la ixtiraamo heshiiska Sadex geesoodka ah kasoo ka dhexeeyey Somalia, Kenya iyo hay'ada UNHCR.

"Arinta la leeyahay dhibaatada Amniga, weli ma dhicin lamana sheegi karo qof qaxootiga oo dagan xerada qaxootiga Dhaadhaab oo ka qayb galey xumaatida ka dhacdey Somaliya amaba xumaatida lagu sameeyey dadka Kenya ama ha ahaato Wesgate ama jaamacada Gaarisa" ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya oo difaacayey in dadka qaxootiga ee ku jira xeryaha qaxootiga ka qayb qaataan falalka argagixisada.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ayaa dowlada Kenya ka dalbadey iney ka fiisrato go"aan ka ay sheegtey iney ku xireyso xerada qaxootiga Dhadhaab.

Dowlada Kenya ayaa dhowaan ku wargalisay hay'adaha ku shaqeeya qaxootiga iney u diyaargaroobaan dib u celinta qaxootiga Somalida ee gaaraya 500,000 sidii dib loogu celin lahaa dalkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM