Dowlada Soomaaliya oo dalab u dirtey ajaaniibta

Image
Bayaankan uu arkay Garowe Online ayaa lagu caddeyn sababta ka dambeysa soojeedintan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah ajaaniibta ka dalbatay in ay kusoo wargeliyaan haddii ay la kulmaan Eex, Musuq-maasuq iyo ku tagrifal awoodeed.

War saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu adkeeyay in cabashada lala soo wadaago Xafiiska Cabashada ee Hay’adda iyo baraha xiriirka ee hoos ku xusan.

Bayaankan oo lagu faafiyey ciwaanka Facebook-ga ee hay'adda ayaan lagu soo bandhigin sababta dhabta ah ee ka dambeysay dalabkan kusoo beegmay xilli dalku ku jiro xaalad doorasho.

HOOS KA AHRISO BAYAANKA HAY'ADDA

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waa Hay’ad Federaal ah waxayna bixisaa Adeegyada Socdaalka iyo Baasaboorka sida ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Muwaadiniinta iyo Ajaanibta ay u adeegto Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay xaq u leeyihiin helidda adeeg hufan isla markaana ka fog eex iyo wax isdaba-marin (Musuq-maasuq).

Muwaadiniinta iyo Ajaanibta baahida u qaba adeegga Hay’adda waxaa looga baahan yahay in ay ilaaliyaan shuruucda iyo habraacyada lagu bixiyo adeegyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda si ay qeyb uga qaadataan hufnaanta shaqada.

Ka qeyb-qaadashada kiis la xiriira wax isdabamarin, ha ahaado Sargaal ka howlgala Hay’adda ama Muwaadin iyo Ajnibi loo adeegayay waxaa la marsiinayaa hannaanka Sharciga.

Hadaba, Muwaadiniinta iyo Ajaanibta dalbanaya adeegyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda hadii ay la kulmaan waxyaabo ka baxsan hannaanka hufan ee shaqada sida Eex, Musuq-maasuq iyo ku tagrifal awoodeed waxaa looga baahan yahay in ay ku soo wargeliyaan Xafiiska Cabashada ee Hay’adda iyo baraha xiriirka ee hoos ku xusan ama in sanduuqa cabashada ee yaalla xarumaha Hey’adda ay ku ridaan cabashadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM