Dowlada Soomaaliya oo ka hadashey go'aanka Mareykanka ee Qudus

Image

MUQDISHO- Qoraal kasoo baxay dowlada Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa waxa lagaga hadlay go'aanka dowlada Mareykanka ku aqoonsatey magaalada Al-Qudus tahay caasimada Israa'iil.

Hadalka dowlada Soomaaliya ayaa yimid xilli wadamada Mulimka ah ka horyimadeen go'aanka Madaxweyne Trump ku amrey in safaarada Mareykanka ee dalkaas ku leeyahay dalka Israa'iil loo rarey magaalada Al-Qudus.

Warsaxafadeedka kasoo baxey dalka Soomaaliya ayaa u qoraa sidatan:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay, iyada oo ka walaacsan go’aanka halista ah ee uu qaatay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaasoo uu ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Al-Qudus in ay caasimad u tahay Israa’iil.

Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka.

Sidoo kale, Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helista Qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka.

Ugu dambayntii, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dowlad iyo shacab, waxa ay la diyaar yihiin markasta taagerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo.

GAROWE ONLINE

 
 

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM