Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubba oo heshiis cusub kala saxiixday

Image

November 15, 2014 (GO)-  Heshiis ku saabsan mideynta ciidamada ayaa waxaa kala saxiixday maamulka Jubba iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Heshiiskan oo in muddo ah qorshihiisu soo socday waxaa labada dhinac si wadajir ah u kala saxiixdeen maanta kadib kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada ee magaalada Kismaayo.

Ciidamada Jubaland ee dagaalka kula jira Al-shabaab ayaa hadda wixii ka dambeeya loogu yeeri doonaa ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 

Dhanka Dowladda Federaalka waxaa kulankaas uga qayb galay wasiiro iyo saraakiil ka tirsan ciidamada oo ay kamid ahaayeen: waxaa kulankaas uga qayb galay: Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdulaahi Goodax Barre, Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Sheekh, Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane iyo Madaxa Hoggaanka Taakuleyna ee Xoogga Dalka Jen. Abdullahi Ceynte.

 Maamulka Jubba dhankiisa waxaa kulankaas uga qeybgalay koox wasiirro ah oo kala ahaa :

  1. Mudane Mohamed Warsame Farah, (Darwiish) – Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga
  2. Mudane Maxamed nuur Iftin – Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah
  3. Mudane Mohamed Macallin – Wasiirka Xannaanada Xoolaha, beeraha iyo kalluumeysiga
  4. Mudane C/qani Cabdi Jaamac – Wasiirka Madaxtooyada Maamulka Jubba
  5. Mudane Cabdi Cali Raage – La Taliyaha Madaxweynaha Maamulka Jubba
  6. Mudane C/naasir Seeraar Maax – Afhayeenka Maamulka  Jubba

Qodobadii kulankaas kasoo baxay waxaa kamid ahaa:

  • Waxaa la isla meel dhigay in laga sameeyo gobollada hoos yimaada maamulka Jubba Ciidan qaran, oo isu dheellitiran iskuna dhafan lagana soo qoro jubbooyinka oo ay hadda isugu soo urureen nabad diidka Al Shabaab.
  • In maamulka Jubba helo taageero deg deg ah oo dhanka agabka iyo taakuleynta ciidamada.
  • In Guddiyadii wadajirka ahaa ee farsamada iyo arrimaha aminga si deg deg ah uga howlgalaan maamulka Jubba si ay u furdaamiyaan arrimaha kala sooca Ciidamada qaranka iyo diiwaangelintooda.
  • Waxaa lagu heshiiyey in tirada ciidamada xoogga dalka ee ka howlgalaya maamulka Jubba la qoondeeyo iyo  in xarumahii tababarada ee Jubbooyinka sida luglow iyo meelaha kale ee ay isticmaali jireen hoggaamadii 43aad iyo 60aad dib loo howlgeliyo si ciidamada loogu tababaro.
  • In dib loogu yeero wixii ka haray ciidankii qaranka ee Kenya lagu soo tababary wixii laga heli karo
  • In Ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgelaya maamulka Jubba si deg deg ah loola soo gaaro agabka ciidan maamlmaha soo scoda si howlgalkoodu u sii socdo.
  • In wixii ku saabsan arrimaha Booliiska iyagana laga taageero Ciidamada boliiska ee Jubba
  • In xafiiska arrimaha socdaalka si deg deg ah looga yagleelo magalada Kismaayo
  • In hey’adihii taageerayey booliiska maamulka Jubba loo fasaxo dowladda dhexena ka taageerto wixii kaga xiran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM