Dowladda Federaalka oo 44 awoodood kala wareegtay maamulada

Image
Heshiiska lagu gaarey shirka wadatashiga ayaa muujinaya in dowlad goboleedyada yeelanayaan kaliya 20 awoodood.

MUQDISHO, Soomaaliya - Heshiiskii la faafiyey ee uu kala saxiixdey Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa gebi ahaanba lagu kala direy hay’addaha nabad sugidda ee heer dowlad goboleed, waxaana wixii hadda ka dambeeya awooddaasi ay gaar u tahay dowladda federaalka ah.

Sida ku xusan dukumiintiga heshiiska, dowladda federaalka waxa ay yeelanaysaa 44 awoodood, halka dowlad goboleedyada iyo dowlaha hoose ay kala yeelanayaan 20 awoodood iyo 32 awoodood, sidda ay isugu xigaan.

Waxaa iyana awoodo loo asteeyay goleyaasha sharci dajinta seddexda heer oo kala ah baarlamaanka federaalka, kan dowlad goboleedyada iyo goleyaasha deegaanka. Waxaa sidoo kale awoodo kooban loo asteeyay hay’adaha fulinta.

Inkasta oo heshiiskani la isku raacay in uu yahay tallaabo weyn oo horey loo qaaday, waxa uu ku qoran yahay ereybixin guud taas oo meesha keeni karta in siyaabo kala duwan loo fasirto si la mid ah dastuurka qabyadda ah.

Waxaa kale oo durba farta lagu fiiqayaa in awoodaha dowladeed ay aad uga badan yihiin inta laga heshiiyay, balse baahiyaha hadda taagan uun heshiiska lagu koobay.

Heshiiskani oo ah mid siyaasadeed ayaanan la ogeyn sida loo waafajin doono xeerarka dalka, iyada oo aysan weli kala caddayn in la geyn doono xafiiska Garyaqaanka Guud oo mas’uuliyadihiisa ay ka mid tahay in uu diiwaangaliyo dhammaan heshiisyada la galo.

Dhanka kale, marka laga tago qodobka ku saabsan nabad suggida, qodobka 27-aad ee heshiiska ayaa ka hadlaya in maamulka dekedaha iyo garoomada diyaaradaha caalamiga ah la siiyay dowladda federaalka, taas oo aanan la hubin sida ay u fuli karto maadaama dowlad goboleedyada ay dakhli ahaan ku tiirsan yihiin labadan.

Dowlad goboleedyada ayaa lagu soo reebay maamulka garoomada maxaliga ah. Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaan saxiixin heshiiskan sababo salka ku haya dano shaqsiyadeed.

Awoodaha arrimaha dibedda, doorashooyinka, siyaasadda lacagta iyo kuwa kale oo waaweyn ayay dowladda federaalka qaadatay, kuwaas oo aysan la wadaagi doonin dowlad goboleedyada, inkasta oo qodobo kale oo heshiiska ku xusan ay dhigayaan in wadatashi la sameeyo markasta.

HOOS KA AKHRISO FAHFAAHINTA AWOODAHA

May be an image of text that says "Awoodaha AWOODAHA GAARKA llaalinta Dastuurka Qaranka. bannaanidiisa. dublomaasiyadeed caalamiga dhinaclaha may'adaha caalamiga Diintai Qaran Dastuurku Federaalka Dadweynaha. guurka iyo Xisbiyada guddi doorashooyinka dalka. maamula badda hawada. Dhaqaalaha hal-abuurka ruqsadahooda. iyomiisaanka. horumarinta dhaqaalaha. Qaranka. canshuuro ugaar maamulidda guud DXDF ama badan ama ka ganacsiga dibadda. Caalamiga.. yo Gaadiidka Kaabayaasha garoomada Amniga Cadaaladda 33. sivansadda Internet- (.SO). nidaamiya marka fudud DF Caafimaadka Adeegyada Bulshada gaarka 00 ederaalka, guud barakacayaasha. xarumaha qaran sida: Waxbarashada manhaika garoomada ciyaaraha dugsiga tacliinta sare, tiknoolijiyada hay hy' adaha"

No photo description available.

No photo description available.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM