Dowladda Federaalka oo amartay in la joojiyo shirka Baydhabo

Image

November 10, 2014 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in muddo labo todobaad ah la hakiyo shirka dhismaha maamulka koonfur galbeed ee bilihii u dambeeyey ka soconayey degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Go'aanka lagu hakinayo shirka waxaa si wadajir ah maanta u saxiixay saddexda mas'uul ee ugu sareeya Dowaladda Federaalka oo kala ah Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, Ra'iisul Wasaare Cbadiweli Shiikh Axmed Maxamed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Villa Somalia oo nuqul kamid ahi soo gaarey GO ayaa lagu sheegay in sababta talaabadaas loo qaaday tahay maadaama  qaabka shirku u socdo wax badani ka khaldan yihiin.

Dhanka kale waxaa xubnaha gudigii Dowladda Federaalku horay ugu saartay inay shirkaas maamulaan lagu amray wadatashi inay Muqdisho ugu soo laabtaan.

Go'aanka lagu joojiyey shirka Baydhabo waxaa sida ila wareedyo lagu kalsoon yahay GO u xaqiijiyeen dabada ka riixaya Gudoomiyaha Baarlamaanka oo isagu cabsi weyn ka qaba in Xildhibaan Shiriif Xasan Shiikh Aadan loo doorto madaxweynaha maamulka koonfur galbeed.

Halakaan ka akhri qoraalkaan oo saxiixan

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Galaysa Marxalad Cusub Xilli uu Dhammaaday Hawlgalka UNTMIS

Kala-guurka ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta hay’adaha federaalka iyo hagaajinta amniga.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:31AM

Xasan Sheekh oo ku guuldarraystay inuu Museveni ku qanciyo sii joogitaanka ciidamada Uganda

Museveni ayaa kulanka ku sheegay in dhibaatooyinka Soomaaliya ay salka…

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 10:10PM