Dowladda Federaalka oo amartay in la joojiyo shirka Baydhabo

Image

November 10, 2014 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in muddo labo todobaad ah la hakiyo shirka dhismaha maamulka koonfur galbeed ee bilihii u dambeeyey ka soconayey degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Go'aanka lagu hakinayo shirka waxaa si wadajir ah maanta u saxiixay saddexda mas'uul ee ugu sareeya Dowaladda Federaalka oo kala ah Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, Ra'iisul Wasaare Cbadiweli Shiikh Axmed Maxamed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Villa Somalia oo nuqul kamid ahi soo gaarey GO ayaa lagu sheegay in sababta talaabadaas loo qaaday tahay maadaama  qaabka shirku u socdo wax badani ka khaldan yihiin.

Dhanka kale waxaa xubnaha gudigii Dowladda Federaalku horay ugu saartay inay shirkaas maamulaan lagu amray wadatashi inay Muqdisho ugu soo laabtaan.

Go'aanka lagu joojiyey shirka Baydhabo waxaa sida ila wareedyo lagu kalsoon yahay GO u xaqiijiyeen dabada ka riixaya Gudoomiyaha Baarlamaanka oo isagu cabsi weyn ka qaba in Xildhibaan Shiriif Xasan Shiikh Aadan loo doorto madaxweynaha maamulka koonfur galbeed.

Halakaan ka akhri qoraalkaan oo saxiixan

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM