Dowladda Itoobiya iyo ONLF Shir uga furmay Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya - Shir lagu dhex-dhexaadinayo dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF ayaa ka furmay maanta oo Axad ah magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Kulanka waxaa ka qeybgalaya wafuud ka kala socota labada dhinac oo ay kamid yihiin General Gabre, Maxamed Cabdi Iley, Madaxweynaha Is-maamulka Soomaalida Itoobiya, iyo Cabdiraxmaan Madeey, oo ah wakiilka ONLF ee arrimaha dibadda.

Dowladda Kenya ayaa dhex-dhexaadinaysa labada dhinac oo mudo colaad ay u dhaxayso, waxaana ku sugan madasha wadahadallada Senator Yuusuf Xaaji, Maxamed Cabdi Afey iyo Xildhibaan Yuusuf Xasan.

Senator Yuusuf Xaaji ayaa shir gudoominaya Kulanka oo socon doono mudo maalmo ah, waxaana la filayaa in ONLF iyo dowladda Itoobiya ay kawada hadlaan sidii ay xal ugu heli lahaayeen dagaalka u dhaxeeya.

Kenya ayaa sheegtay in wadahadallada oo soo socday mudadii lixda sano ee lasoo dhaafay ay soo gaareen heer wanaagsan islamarkaana ay ka go'an tahay inay heshiis dhex-dhigto ONLF iyo Itoobiya.

Sanadkii 2015 heshiis ay Soomaaliya iyo Itoobiya wada gaareen ayaa u aqoonsaday ONLF inuu yahay urur Argagaxiso, waxaana lix bilood kahor u gacan gelisay Xukuumadda Addis Ababa Qalbi Dhagax.

Xukuumadda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Cali Khayre ayaa Cabdikariin Sheekh Muuse [Qalbi Dhagax] u gacan gelisay Itoobiya bishii August, 2017, iyadoo dhiibistiisa ay cambaareyn xooggan kala kulantay shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM