Dowladda iyo Beesha Caalamka oo ka shiray dadka Hargeysa

Image
Kulankan oo deg deg ahaa ayaa wuxuu ka dhacay xerada ciidanka ciirka ee Afisyooni.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo safiirada Beesha Caalamka oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa kawadda hadlay sidii loogu gurman lahaa ganacstadii hantidooda ku wayday dabkii burburiyay Suuqii weynaa ee Waaheen.

Wadaxaajoodkan ayaa waxaa guddoominayay ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna Xildhibaan baarlamaanka 11aad Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar].

Shirkan oo deg deg ahaa ayaa ka dhacay xerada ciidanka ciirka ee Afisyooni. Xukuumadda wali faahfaahin dheeri ah kama uusan bixin fadhigaan oo warbaahinta ay dibad joog ka tahay.

Balse qoraal kooban ayay ku tiri: "Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyay kulan u dhexeeyay Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo Beesha caalamka kaas oo diiradda lagu saaray sidii loogu gurman lahaa dadkii hantidood ku waayay dabkii ka kacay suuqa weyn ee Harageysa(Waaheen)".

Is-araggan ayaa imaanaya iyada oo Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa qorsheyneysa inay beegsato Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida ay Talaadadii ka digtay Hay’adda Sirdoonka oo lafteeda shaki laga muujiyay sida ay u shaqayso.

Rabshadaha abaabulan

Rabshadaha abaabulan, oo ujeedkoodu yahay dib loogu dhigo doorashada ayaa caqabad ku ah soo kabashada Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha Mucaaradka.

Maleyshiyadda Al Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagxisada caalamiga ah ee Al-Qaacidda ayaan weli la helin wax war ah kasoo saarin sheegashadda hay'adda sirdoonka.

Kooxda ayaa inta badan weerarta dadka rayidka ah iyo saraakiisha dowladda iyo xarumaha. Bishii Febraayo, waxay weerartay ergada doorashada ee ku sugan caasimadda Muqdisho. Ergada wax dhaawac ah masoo gaarin balse lix qof oo ka mid ahaa dadkii goobta ku sugnaa ayaa dhintay.

Dabayaaqadii bishii hore, Al Shabaab ayaa 48 qof ku dilay Beledweyne, oo qiyaastii 300 km (185 mayl) waqooyi ka xigta Muqdisho, dadkaas oo ay ku jireen ganacsato, culimo, saraakiil iyo dad rayid ah.

Dadka la dilay waxaa ka mid ah Aamina Maxamed, oo aad u dhaliili jirtay dowladda, xilli maalin ka dib la filayay in mar kale la doorto. Kursigeeda waxaa haatan loo badinayaa in ay kusoo bixi doonto gabar la dhalatay wallow loolan adag ay kala kulmeyso Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM