Dowladda oo guulo ka sheegatay guluf ka dhan ah Al-Shabaab

Image
Warbaahinta dowladda ayaa warisay "dilka iyo qabashada maxaabiis badan oo ka tirsanaa kooxda argagixisadda ah".

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku dhawaad ​​90 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ka sameeyeen agagaarka degaanka Jicibow oo hoostaga degmada Buuloburde, iyagoo taageero ka helaya dadka deegaanka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Qaar ka mid ah argagixisada ayaa bilaabay in ay is dhiibaan fiidnimadii xalay, iyadoo ciidamada ay isku gadaameen goobta, isla markaana ay xireen waddooyinka iyo meelaha ay mara wabiga.

Shacabka ku dhaqan degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa bilaabay in ay Caano iyo Cunto ku garab istaagaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dhalinyaro iyo haween magaalada ku nool ayaa ciidanka gaarsiiya sahay isugu jirta raashin, caano iyo xoolo nool.

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle ayaa gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, si ay ugu kuur galaan xaaladda bini’aadantinimo iyo tan amni ee ka jirta deegaankaasi, isla markaana ay u taageeraan howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

Gobolkan, ciidamada iyo dadka deegaanka ayaa ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay oo ay ku sameynayaan olole militari oo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.

Degaanka Gubadley ee duleedka Waqooyi ee magaalada Muqdisho, ayaa taliyeyaasha waxa ay dhigeen ciidamo heegan buuxa ah. Taliyihii booliska Muqdisho, Farxaan Qaroole, ayaa asbuucii hore lagu qarxiyey gobolkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM