Dowladda oo ka hadashay ismiidaamintii Muqdisho

Image
Hibaaq Abuukar oo ka tirsanayd xafiiska Ra'iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa kamid ah dadka ku dhintay falkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hibaaq Abuukar oo ka tirsanayd xafiiska Ra'iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa ku geeriyootay Qaraxii Sabtida maanta ah ka dhacay magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Weerarka oo uu ka dambeeyay naftii halige isku soo raibay gaari laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa ayaa si gaar ah wuxuu kaga dhacay irrida hore ee bar-kaantarool oo laga ilaaliyo Villa Soomaaliya.

Ugu yaraan shan qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku nafwaayeen falkaas. Dadkaas waxaa kamid ah hooyo iyo laba cunug ay dhashay. Sidoo kale, booliska wuxuu xaqiijiyey in ay jiraan dhaawacyada 5 kale.

"Waxaan qoysaskoodii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeen uga tacsiyeynayaa  dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixisadu maanta kula beegsadeen Muqdisho," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble.

Wuxuu intaas ku daray: "Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argaxisadan hororka ah ee shacabkeenna xasuuqa joogtada ah ku haya".

Dhanka kale, afhayeenka xafiiska wasiirka koowaad Maxamed Ibraahim Mucalimoow ayaa si gaar ah wuxuu uga tacsiyeeyay geerida Hibaaq isaga oo qoyskeeda u rajeeyay bedel wanaagsan

"Hibaaq waxa ay aheyd gabar firfircoon oo ka mid aheyd tiirarka xafiiska gaar ahaan qeybta Arimaha Haweenka. Qoyskeeda Ilaah Samir ha ka siiyo. Iyada iyo intii kale ee xaqdarada ku dhimtayna naxariisto janno Eebe ha siiyo," ayuu yiri.

Maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Kooxda hubeysan waxay intaas u dartey in ay beegsatay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda. Balse, ma aysan ka hadlin waxyeelada shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM