Dowladda oo "kor u qaadeysa" miisaaniyadda waxbarasha dalka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabada maalinta macallinka Soomaaliyeed.

MUQDISHO, Soomaaliya  - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniinta maanta ah wuxuu Tiyaatarka Qaranka kaga qeyb galay munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed.

Hadal-jeedintiisa munaasabadan sida weyn loosoo agaasimay ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed wuxuu ugu hambalyeeyey maalintan qiimaha badan.

Macallimiinta Soomaaliyeed ayuu hoosta ka xariiqay in ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed.

Jiilal tayo leh oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo samatabixinta dowladdnimada Soomaaliyeed ayuu tibaaxay in ay kaalin weyn ku yeesheen Macallimiinta Soomaaliyeed.

"Bahda waxbarashada waxaan ku biiray xilli adag oo dalka ay ka jireen duruufo qallafsan, waxaa khatar ku jiray nolashayada iyo tan ardayda, saas oo ay tahay waxaan culeysyadaas kala duwan ku ilaawi jirnay qiimaha shaqada aan qabanayno iyo rajada aan ka qabnay in ay aasaas u noqoto jiilal dadka iyo dalkaba waxtara," ayuu qeexay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, taas oo ku saleysan baahiyaha ardayda, macalimiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada, waxa uuna sheegay in kor loo qaadayo miisaaniyadda waxbarasha dalka, si loo horumariyo nolasha Bareyaasha Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM