Dowladda oo sheegatay "dilka" in ka badan 100 Al-Shabaab ah

Image
Wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa wariyey in 10 kamid ah xubnaha la laayey ay ahaayeen "horjoogeyaal".

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah sheegay in ka badan 100 Al-Shabaab ay ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay xadka goboladda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shir jaraa'id kula hadlay warfidiyeenka ayaa shaaca ka dhigay in tobban kamid ah xubnahan ay yihiin horjoogeyaal.

Al-Cadaala oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftey in howlgalkan ay iska kaashadaan Hay'adda Sirdoonka Qaranka, ciidanka xoogga dadka degaanka iyo saaxiibadda caalamiga ah ee Soomaaliya.

"Horjoogeyaasha joogay goobta waxaa kamid ahaa Xasan Nuur oo qaabilsanaa Khawaariijta Shabeellaha Dhexe iyo Cabdiqaadir oo madax ka ahaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha," ayuu raaciyey.

Sida laga soo xigtey Al-Cadaala, maleyshiyaadka la beegsadey ayaa kamid ahaa in ka badan 200 xubnood kuwaas oo isku-diyaarinayay in ay qaadaan "weeraro argagixiso oo ay ku beegsadana shacabka".

Ma jiraan illo wareedyo si madax-banaan u xaqiijinaya sheegashadda dowladda. Warfaafinta dowladda ayaa baahisay sawirro ay ku sheegeen degaanka Ceeldheere kuwaasoo ay kasoo muuqdeen meydad.

Dhawaqan cusub ee dowladda federaalka ayaa kusoo hagaagaya xilli madaxwayne Xasan Sheekh uu dhowaan booqdey furimaha dagaalka HirShabelle iyo Galmudug kuna baaqay dardargelinta howlgalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM