​Dowladda Somalia: 1 Malyan oo neef in kabadan ayaan dhoofinaynaa Xajka kahor [Daawo]

Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Somalia, ayaa shaacisay in guul laga gaaray wada-hadal muddo dheer socday oo looga hadlayay sidii loo sii dayn lahaa dhoofka Xoolaha nool ee la gayn jiray waddanka Boqortooyada Sacuudiga.

Xukuumadda Riyaad ayaa xoolaha Somalia uga imaan jiray hakisay kadib markii lagu eedeeyay inay qabaan Xanuuno, taasoo saamayn ku yeelatay bulshada Somaliyeed oo u badan xoolo dhaqato.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Somalia, Sheakh Nuur Maxamed Xasan oo wareysi siiyey warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladdu ay ku dadaaleysay muddo dheer daryelka iyo hubinta caafimaadka xoolaha dalka si loogu dhoofiyo dibadda.

Nuur, ayaa sheegay in kahor inta aan la aadin Xajka wasaaraddu qorsheysay hal milyan iyo  boqol neef oo Ari ah in loo dhoofiyo dalka Sacuudiga, taasina ay qeyb ka tahay dadaalada ay sameysay wasaaradda.

"Wadahadallo muddo qaatay kadib waxaan ku guulaysanay in dalka Boqortooyada Sucuudiga aan u dhoofino hal Malyan iyo boqol neef oo Ari ah." Ayuu yiri wasiirka Xannaanada Xoolaha Somalia.

Wuxuu intaas ku daray in dowladdu juhdi ku bixin doonto sidii dadka Somaliyeed u heli lahaayeen nolol wanaagsan islamarkaana ula jaan-qaadi lahaayeen dadka ku nool waddamada shisheeye.

Wasiirka ayaa tibaaxay in dowladdu muhiimad gaar ah siin doonto kor u qaadista iyo dar-dargalinta khayraadka dalka.

"Waxaan kor u qaadi doonaa kobcinta dhaqaalaha iyo khayraadka laga helo xoolaha nool," Ayuu yiri Nuur.

Ugu dambayntii Wasiirka ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaraha oo ku tilmaamay inay ka qayb qaateen hirgalinta wada-hadalada keenay in xoolaha Somalia mar kale loo dhoofiyo Sacuudiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM