Dowladda Somalia oo arrinta Abaaraha kala hadashay hay'adaha QM

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer howleed ku tagey xarunta Isku Xirka Gurmadka Abaaraha u qaabilsan Qaramada Midoobay, wuxuuna warbixino ka dhageystay qaar ka mid ah Hay’addaha gacanta ku haya xog-uruurinta xaaladihii ugu danbeeyey ee Abaaraha ka jira dalka.

Xasan Cali Kheyre ayaa kala hadlay Hay’addaha Qaramada Midoobey in la mideeyo isla markaana la isku dheeli-tiro habka gar-gaarka loo gaarsiinayo deegaanada abaaruhu ka jiraan, lana wadaago macluumaadka ku saabsan meelaha ugu daran ee u baahan gar-gaarka deg-degga ah, gaar ahaan dawladda iyo UN-ka, maadaama ay jiraan dadaalo kale oo gurmad ah oo ay fidinayaan Guddiga Qaranka ee Gurmadka Abaaraha iyo hay’addo kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, waxayna isla soo qaadeen sidii Qaramada Midoobey ay gurmadku deg-deg uga gaari lahaa goobaha ay sida daran u saameysay Abaartu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM