​Dowladda Somalia oo ka hadashay amarka Donald Trump

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka arrimaha Dibadda Somalia ayaa ka hadlay amar dhawaan kasoo baxay Madaxweynaha dowladda Maraykanka Donald Trump kasoo xayiraad lagu saaray Muwaadiniin kasoo jeeda 7 dal oo Somalia ku jirto.

Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa xusay inay aad uga xunyihiin go'aankaas oo uu sheegay in lagusoo beegay xilli Somalia kasoo kabanayso dagaallo sokeeye.

Ggolaha wasiirrada Xukuumadda waqtigeedu dhammaaday, ayuu tilmaaaamy in shir ka yeelan doonaan maalmaha soo socda qorshaha ka dhanka ah muslimiinta, wuxuuna tilmaamay inay qaadan doonaan tallaabada ku haboon.

“Guud ahaan Soomaaliya waa ka xunahay in wadamo hada kazoo baxaaya dhibaato oo horay u socda dadkiisuna ay yihiin dad shaqaysta farta lagu soo fiiqo, waxaana rajeeyneynaa in Doowlada Mareeykanka ay arintaan dib uga laabato,"Ayuu yiri wasiir Hadliye isagoo ku sugan magaalada Addis oo ay joogaan shirar ay leeyihiin Madaxda dalalka Africa

Hadliye oo waraysi siiyay VOA, ayaa intaas ku daray inay aad uga walaacsanyihiin qorshahaas iyo maxsuulka ka dhalan kara.

Donald Trump, ayaa maalintii Jimcaha saxiixay awaamiir muddo 90 maalmood ah xayiraad saaray dadka muslimiinta ah ee kasoo jeeda dalal ku yaalla Bariga Dhexe iyo Africa.

Tallaabadaas ayaa keentay in bannaanbaxyo waaweyn ka dhacaan magaalooyinka Maraykanka, taasoo ay ka qayb galeen mas'uuliyiin katirsan xisbiga Dimuqraadiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Lagu Eedeeyay Inay Dagaalka Al-Shabaab Ka Leexisay Jidkiisa

Macawiisleyda Beesha Xawaadle ayaa si weyn uga dagaallama gobolka Hiiraan, waxayna door muuqda ku leeyihiin howlgalada lagaga saaray Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-06-2025

  • 08:31AM

Qaran Midoobaya Mise Kala Firdhaya? Wadahadallada Qaran oo Galay Mugdi Siyaasadeed 

Dooda siyaasadeed ayaa sii kululaatay kadib markii Xildhibaan Yusuf Gamadiid uu si cad u dhaleeceeyay dowladda dhexe.

  • Soomaliya

    10-06-2025

  • 07:51AM