​Dowladda Somalia oo ka hadashay dagaalka Sanaag [Dhagayso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Somalia Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa ka hadlay dagaal khasaaro kala duwan sababay oo labadii Todobaad ee u dambeeyay ka taagnaa qaybo kamid ah gobolka Sanaag.

Dagaalkaas oo ka dhacay nawaaxiga Ceel Afweyn ayaa u dhaxeeyay labo beelood oo wada daga gobolkaas, waxuuna sababay dhimashada 9 ruux.

Wasiirka ayaa xusay inay xiriiro kala duwan la sameeyeen Odoyaasha dhaqanka iyo saraakiil katirsan Somaliland oo halkaasi ku sugan, wuxuuna sheegay inaan maanta la joogin waqti qori afkiis la isu adeegsado, isagoo xusay inaysan jirin beel gooni ah oo iska leh dhulka EEBBE ballaarshay.

Xayir ayaa ku baaqay in dagaalka deg deg loo joojiyo isagoo tacsi u diray dhammaan intii ku waxyeelloowday isku dhaca beelaha, halka dhaawaca ALLE uga baryay inuu dhaqso u bogsiiyo.

Maareeye, ayaa tilmaamay in dagaalka ku salaysan qaabaa'ilka dalka oo dhan ka dhaco, balse loo baahanyahay sidii looga gudbi lahaa marxaladdan maadama sida uu hadalka u dhigay lamarayo duni hormartay.

Baaqa dowladda Federalka Somalia ayaa yimid xilli maamullada Puntland iyo Somaliland oo sheegtay maamulka gobolkaasi aysan ka hadlin colaadda labada beelood oo muddo soo noq noqotay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM