Dowladda Somalia oo ka hadashay dhoofka xoolaha la hakiyay
MUQDISHU, Somalia- Dowladda Federaalka Somalia, ayaa ka hadashay tallaabada boqortooyada Sacuudigu ku joojisay xoolaha nool ee dalkaasi looga dhoofin jiray deegaanada Somalida, kadib markii laga helay cudurro sida lagu sheegay waraaq kasoo baxay xukuumadda Riyaad oo loo gudbiyay dowladda Federaalka.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somalia, Siciid Xuseen Ciid oo la hadlayay VOA, ayaa sheegay inay heleen waraaq lagu joojinayo duunyadii laga safrin jiray dalka, taasna ay tahay arrinta inta badan dhacda, hadana ay wadaan qorshe labada dhinac uga wada hadlayaan arrimaha taagan.
Ciid, ayaa beeniyay in xoolaha Somalia qabaan cudurro keeni kara in laga joojiyo dhoofkooda, wuxuuna intaas ku daray inay maraan baaritaano kala duwan ka hor intaas Sacuudiga la gayn islamarkaana la talaalo waqti kasta oo dalka loo dhoofinayo.
Siciid Ciid, ayaa sidoo kale xusay inay baaritaan ku hayaan cabashada Sacuudiga ee xoolaha Somalia.
Wasiirka, ayaa intaas ku daray in arrintan tahay mid saamayn ku yeelan karta bulshada Somaliyeed, maadama sida uu xusay lagusoo beegay waqti adag oo dalka ka jiraan abaaro la xaad leh.
Wuxuu meesha ka saaray in qorshahan la xiriirto arrimo siyaasadeed, isagoo xusay in ka xukuumadda ahaan wadaan wadatashiyo ku aadan tallaabadii howshan Somalia ka qaadi lahayd.
Sacuudiga oo ah waddanka ugu badan ee loo dhoofiyo xoolaha Nool ee ka yimaada Somalia, ayaa hadda ka hor joojiyay kadib markii la sheegay in xoolaha Somalia qabaan cudurka loo yaqaano Rift Valley.
GAROWEONLINE