​Dowladda Somalia oo ku dhawaaqday inay ciidamo gaynayso Galkacyo [Dhagayso]

Image

GALKACYO, Puntland- Dowladda Somalia ayaa ka hadashay colaad maalmahan kasoo cusboonaatay gobolka Mudug oo u dhaxaysa maamullada Puntland iyo Galmudug oo horay dagallo kala duwan u dhexmareen.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in dowladdu amar ku bixisay in ciidamada qalabka sida ee Somalia la geeyo magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug si loo hakiyo colaad gobolka ka dhacda.

"Waxaa la farayaa ciidamada Qalabka sida gaar ahaan ciidanka xoogga dalka Somaaliyeed anoo ku hadlaya magaca Ra'isal wasaaraha inay geeyaan magaalada Galkacyo wixii ciidan ah eeya u heli karaan ee awood u leh inuu kala dhex galo damiyo colaadda ka jirta magaalada Galkacyo iyo agagaarkeeda,"Ayuu yiri wasiirka waqtigiisu dhammaaday ee wasaaradda Warfaafinta Somalia.

Maareeye, ayaa sidoo kale xusay in xukuumadda waqtigeedu dhammaaday ku baaqayso sidii odoyaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo bulshada qaybaheeda kala duwan uga qayb qaadan lahaayeen xal waara oo gobolka ka hirgala.

“Sidoo kale dowladdu waxa ay madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland, wasiirada salaadiinta iyo waxgaradka ugu baaqeysaa in ka shaqeeyaan joojinta colaadaha sii huraya ee ka jirta gobolka Mudug, si dib loogu soo celiyo wadanoolaanshihii iyo isusocdka bulshada,” Ayuu hadalkiisa ku daray Maareeye.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Somalia ka xuntahay colaadda u dhaxaysa maamullada dariska ah isagoo ku baaqay inaan gobolka Colaad laga hurin.

"Dowladda Soomaaliya waxa ay ka xuntahay kana digeysaa in colaad laga dhex huriyo dadka walaalaha ah ee wada daga gudaha magaalada Gaalkacyo,"Sidaas waxaa hadalkiisa ku raacshay Wasiirka Warfaafinta dalka Somalia oo Muqdishu ka hadlayay.

Baaqan ayaa yimid xilli maamulka Puntland dowladda Federalka Somalia ku eedaysay in ciidamadeeda ka qayb qaateen dagaal ka dhacay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Qorshahan ayaa dowladdu Somalia ku dhawaaqday xilli caasumadda Somalia amnigeedu yahay mid faraha kasii baxay islamarkaana xukuumadda Waqtigeedu dhammaaday ku fashilantay inay xasiliso iyadoo la isu diyaarinayo doorashada madaxtinimo ee dalka ka dhici doonta dabayaaqada sannadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxkamadda Ciidanka oo Xukun Ku Riday Sarkaal Muhiim ah oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab

Cabdinaasir ayaa ka hoos shaqeynayay sarkaal sare oo lagu magacaabo Khaalid, sida lagu sheegay xukunka maxkamadda.

  • Soomaliya

    04-06-2025

  • 01:22PM

Turkiga oo Kordhiyay Taageerada Difaaca Soomaaliya

Shixnadda diyaaradaha ayaa la keenay Muqdisho kadib markii duuliyayaashu dhammeeyeen tababarkoodii ugu dambeeyay.

  • Soomaliya

    04-06-2025

  • 01:05PM