​Dowladda Somalia oo lagu wareejiyay qalabka hawada

Image

MUQDISHU- Waxaa maanta si rasmi ah dowladda Somalia loogu wareejiyay qayb kamid ah qalabka lagula socdo hawadda iyo diyaaradaha isticmaala taasi oo qayb ka ahayd wadahadal dhacay sannadkii 2014.

Munaasabad qalabkaasi lagu wareejinayay ayaa lagu qabtay caasumadda Somalia, waxaa arrintaasi fududeynteeda iska kaashaday IGAD iyo hay'adda duulimaadyada caalamiga ah ICAO.

Qalabkan lagu wareejiyay dowladda, ayaa qeyb ka ah heshiis bishii december ee sanaddii 2014-kii ay dowladda Soomaaliya iyo ICAO kala saxiideen, kaasoo lagu hirgelinayo qorshe kama dambeysta Soomaaliya ay kula wareegeyso maamulka hawadeeda.

Qorshahan, waxaa kasoo horjeestay maamulka Somaliland oo sheegay inuu Somalia inteeda kale ka ga'ay.

Dowladda Federalka ayaa dhinaceeda tallabadan soo dhaweysay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM