Dowladda Somalia oo Muqdishu ka masaafurisay rag u dhashay dalka Kenya

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Federaalka Somalia, ayaa maanta magaalada Muqdishu ka masaafurisay labo nin oo u dhashay dalka Kenya kuwaasoo la sheegay inay si sharci darro ah u joogeen dalka.

Raggan oo ay gacanta kusoo dhigtay hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia, ayaa lagu helay inaysan wax sharci ah ku joogin Caasumadda dalka islamarkaana ay ku shaqaysanayeen nidaam la'aan.

Diyaarad ayaa laga saaray garoonka diyaaradaha magaalada Muqdishu iyagoo loo masaafuriyay waddankooda hooyo.

Amar kale ayaa la dul-dhigay, waxaana hay'addu ku war-galisay inaysan dib ugu soo laaban magaalada Muqdish.

Hay'adaha amniga Somalia, ayaa lala socodsiiyay inay ka feejignaadaan raggaan oo sawirradooda lagu baahiyay baraha internetka.

Tallaabadan ayaa timid xilli magaalada Muqdishu ay ku suganyihiin ajaanib kala duwan kuwaasoo qaybtood ka howl galaan Xalane.

Tan iyo bur-burkii dowladdii dhexe ee Somalia, dalka ayaa noqday mid xuduudihiisa ay isk furanyihiin, waxaana jooga ajaanib kala duwan oo ka shaqaysta kuwaasoo aysan jirin sharci celinaya iyo cid la socota dhaq-dhaqaaqooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM