Dowladda oo "buugga madow" galisay saxafi Cabdalle Muumin

Image
Cabdalla ayaa waxa uu sidoo kale sheegey in laga qaatay baasaboorkiisa, uuna ku jiro wax u eg xabsi guri.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wariyaha u ololeeya xuquuqda hadalka iyo xoriyadda saxaafadda madaxa banaan Cabdalle Muumin ayaa wareysi uu siiyay wargeyska The Guardina ee dalka Ingiriiska kasoo baxa u sheegay in dowladda federaalka ay magaciisa galisay buugga madoow ee dadka mamnuuca ah in ay dalka ka dhoofaan.

Cabdalla ayaa waxa uu sidoo kale sheegey in laga qaatay baasaboorkiisa, uuna ku jiro wax u eg xabsi guri, isaga oo aanan ka bixi karin hoteel uu Muqdisho ka degenyahay.

"Kama bixi karo hoteelka aan deganahay oo la iima ogola in aan ku laabto gurigayga [Nairobi, Kenya], si aan ula soo kulmo dhakhtarkeyga iyo qoyskeyga, sababtoo ah waxay qaateen baasaboorkaygii oo waxay iiga dhejiyeen liiska dadka la mamnuucay," ayuu xusay.

"Waxaan u baahanahay daryeel caafimaad, waxaanan u baahanahay inaan arko qoyskayga. Deeq bixiyayaasha reer galbeedka waxa ay taageerayaan dowladda Soomaaliya balse isla dowladda ayaa beegsata saxafiyiinta aniga oo kale ah”. Ayuu yiri Cabdalle Axmed Muumin oo Muqdisho ugu xaniban dowladda Soomaaliya," ayuu caddeeyay.

Qodoabdan ayaa waxa ay ka midyihiin shuruudo maxkamadda gobolka Banaadir ay Cabdalle ugu siidaysay damaanad ahaan kadib markii la xiray.
Cabdalle ayaa hadda ka xanuunsanaya kelyaha, mana awoodo in uu dalka dibadiisa u aado daryeel caafimaad.

"Waan diiday in aan la kulmo qoyskayga," ayuu sii raaciyey. "Haddii Soomaaliya ay rabto inay noqoto nabad iyo dimoqraadiyad ammaan ah, waxay u baahan tahay inay ammaan u noqoto suxufiyiinta."

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee lagu magacaabo Amnesty, ururka caalamiga ah ee u dooda saxafiyiinta ee loo yaqaano CPS ee Maraykanka iyo dowladda Britain oo ka mid ah deeqbixiyeyaasha Soomaaliya ayaa dhammaantoodba welwel iyo walaac ka muujiyay xayiraadda, xarigga iyo handadaada loo gaystay Cabdalle Muumin.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM