Dowladda Soomaaliya oo ka laabatay waarankii soo qabashadda Ahmed Madoobe

Image

MUQDISHO — Maxkamadda Gobolka Banaadir ee Muqdisho ayaa maanta, 29ka Janaayo 2026, soo saartay xukun rasmi ah oo ku saabsan kiiska soo qabashadda Madaxweynaha Jubaland Ahmed Madoobe.

Xukunka ayaa la xiriira codsi ay soo gudbiyeen mas’uuliyiinta amniga ee ku saabsan soo qabashadda Axmed Madoobe, taasoo caqabad ku ahayd inuu yimaado Caasimadda dalka, oo lagu wado inuu ka dhaco shirka Xasan Sheekh iyo Madaxa Gollaha Mustaqbalka Soomaaliya 1-da Feb.

Maxkamadda Gobolk Banaadir ayaa soo saartay bishii November 2024 amar lagusoo xirayo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe kadib markii dib loo doortay markii 3aad doorasho ka dhacday Kismaayo, oo dowladda mid sharci-darro ah ku tilmaantay, maadaama aysan waafaqin nidaamka cusub ee doorashadda qof iyo codka ah.

Shirka waxaa ka qeybgali doono madaxda Puntland, Jubaland, oo ku mideysan Golaha Badbaadada, oo khilaaf dhanka doorashada iyo dastuurka kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, oo mudo-xileedkiisa afarta sano 3 bilood uga dhiman.

Kulankani ayaa la filayaa in looga hadlo arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta wadahadalka siyaasadeed, nabadeynta dalka, iyo sidii loo xallin lahaa khilaafaadka jira.

Mas’uuliyiinta maxkamadda ayaa ku adkeeyay in garsoorku uu si madax-bannaan u shaqeynayo, ayna muhiim tahay in dhammaan dhinacyadu u hogaansamaan go’aannada sharciga ah, si loo ilaaliyo nidaamka cadaaladda iyo xasilloonida dalka.

Waxaa sidoo kale la filayaa in go’aanka maxkamaddu uu saameyn ku yeesho hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya, maadaama uu ku soo beegmay xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo wadahadalka iyo iskaashiga heer qaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM