Dowladda Soomaaliya oo kala dirtay Rugta Ganacsiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxay kala dirtay Rugta Ganacsatada heer Qaran kadib cabasho ay sheegtey in ay ka timid qaar kamid ah xubnaha kamida.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Khaliif Cumar oo ku dhawaaqay kala diridda Rugta, ayaan bixin tafaasiil ku saabsan sababta go'aankan dhalisay.

Mr Cumar ayaa magacaabay guddi cusub kuwaasoo uu tilmaamay in ay shaqadda sii wadayaan isla markaana bedelayaan xubnihii horey.

Cabdullaahi Cusmaan oo ka tirsan shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa laga dhigay gudoomiyaha rugta, halka ku xigeeno looga kala dhigay mas'uuliyiinta kala ah; Cabdiwali Maxamuud Warsame iyo Xasan Cali Nuur oo ka kala tirsan shirkadaha kala ah; Somtel iyo Ali Moha General Trading.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka wasiirka, guddigan wuxuu sii shaqeynayaan inta laga gaarayo doorashadda Rugta taasoo uu ka dhawaajiyey in ay noqon doonto mid ku dhacda hanaan daahfuran.

Dhanka kale, agaasimaha rugta ganacsiga, Cabdi Abshir Dhoore oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho, ayaa qaadacay go'aanka wasiirka isaga oo ku tilmaamay nidaam daro weyn.

"Rug aad kala diri karto ma ahan tan. Waa nasiib daro in sanad kasta aan ka jawaabno wasiir aan saddex bil shaqeynin waana culyes cusub oo nidaam darro ah. Rugta Ganacsiga waa sii jireysaa waana sii joogeysaa," ayuu ku daray.

Mr Dhoore oo sheegay in wasiirka ganacsiga aysan ku raacsaneyn qaabka oo u maareeyay qadiyada taagan ayaa sheegay in uu adeegsaday xeer soo baxay 1985.

Hogaanka Rugta Ganacsatada Soomaaliya ayaa xilliyadda qaar waxaa soo wajaha is-qabqabsi dhexdooda ah iyo mid kala dhaxeeya dowladda.

Talaabada lagu kala diray Rugta Ganacsiga ayaa kusoo hagaageysa xilli waddanka uu ku jiro mar-xalad kala guur ah isla markaana hubanti la'aanta ka taagan in coddeynta 2020-21 ay waqtigeeda ku dhaceyso sii xoogeysaneysa.

Hoos ka daalaco qoraalka wasiirka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM