Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka 61 Al-Shabaab ah

Image
Bilooyinkii lasoo dhaafay waxaa duqeymaha fulinayey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Turkiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 61 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay iska kaashadeen hay'adda sirdoonka iyo saaxiibadda caalamka ah.

"Ilaa iyo 61 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Beero ku yaala duleedka deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe," ayay tiri wasaaradda.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Hawlgalkan ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu qiyaasay 150, kuwaas oo doonayay in ay weeraraan Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka ee ku sugan Xawaadlay iyo Gaadiid ay qaraxyo ah kuwaasi oo ay ku diyaarinayeen Beero dhexdooda".

"Sidoo kale, Labo gaari oo ahaa nuuca Homey iyo Noah oo ay ku xireen waxyaabaha qarxa kuwaas oo ay qorshaynayeen in ay soo galiyaan magaalada Muqdisho ayaa lagu burburiyay howlgalka," ayay tibaaxdey.

Warka ayaa lagu soo xiray: "Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay ka foojigan yihiin dhagar kasta oo shacabka kaga imaan karta Khawaarijta lagu jabiyay dagaaladii tooska ahaa oo ay la galeen Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed".

Hase ahaatee, bayaanka ayaa lagu soo bandhigin magaca saaxiibadda caalamiga ah. Bilooyinkii lasoo dhaafay waxaa duqeymaha fulinayey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM