​Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dileen 20 katirsan Shabaab

Image

MUQDISHU- Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegay in xalay ciidamada kumaandoosta Soomaaliya howlgal ka fuliyeen deegaanka Berxaani, kaas oo magalada Kismaayo koonfur galbeedka Kismaayo kaga beagn 60km,

Howlgalka, ayaa sababay iska hor imaad dhexmara labada dhinac, waxaana saraakiil katirsan dowladda noo xaqiijiyeen geerida 20 katirsan mallayshiyada Al Shabaab, waxaana dhulka la mariyay saldhigooda deegaankaas iyo goob agy ku tababaran jireen.

Majirto waxa war ah oo kasoo baxay dhinac Al Shabaab, balse ciidamada dowladda ayaa ku laabtay saldhigyadoodii kadib 24 saac oo ay joogeen deegaanka Beerxaani.

Lama sheegin khasaaro soo gaaray dhinac ciidamada dowladda Soomaaliya, balse waxaa lagu soo beegay xilli maalmo kooban lagu joogo howlgalkii lagu dilay Dul-yaddayn iyo madax sare oo ururka Shabaab katirsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM