Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay wali furan yihiin albaabada wadahadalka khilaafka doorashada

Image

MUQDISHO – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Talaadadii shalay sheegtay in ay weli u furan tahay wadahadal lala yeesho hoggaamiyayaasha mucaaradka iyo madaxweynaha Puntland iyo Jubaland, si loo jebiyo xannibaadda muddo dheer ka taagnayd hanaanka doorashooyinka dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ay ka xun tahay dhacdadii Axaddii, markii diyaaradihii sidday Ciidamada amniga Madaxda Puntland iyo Jubaland dib loo celiyay iyagoo ku jira hawada. Dowladda ayaa ku tilmaantay dhacdadan iyo dib u dhaca ka dhacay wadahadalladii doorashada mid nasiib darro ah.

Dowladda Federaalka ayaa mar kale ku adkaysay go’aankeeda ah in khilaafka lagu xalliyo wadahadal iyo iskaashi lala yeesho dhammaan dhinacyada siyaasadda, iyadoo ujeeddadu tahay in la gaaro natiijo la aqbali karo oo dhinac walba ku qanacsan yahay, islamarkaana la ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Dowladdu waxay horey u soo bandhigtay qaab-dhismeedyo lagu heshiisiinayo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo mucaaradka, inkastoo dib u dhacyo ku yimid jadwalka wadahadallada ay sabab u noqdeen maqnaansho iyo khilaafaad farsamo oo la xiriira goobaha iyo taariikhaha kulamada.

Baaqan ayaa imanaya xilli xiisado siyaasadeed ay ka taagan yihiin qaabka doorashada iyo arrimaha dastuuriga, iyadoo maamulada gobollada ay ku boorinayaan wadahadal nabdoon si loo hubiyo xasillooni iyo hufnaan ka hor doorashada qaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday saldhigga ciidamada Itoobiya ee Baydhabo

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibbada caalamka.

  • Soomaliya

    06-04-2026

  • 03:20PM

Xasan Sheekh oo Baydhabo kulamo kawada xilli loolan loogu jiro Kursiga Madaxweynaha KG

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada dowladda.

  • Soomaliya

    05-04-2026

  • 02:30PM