Dowladda Soomaaliya oo xabsiga kasii daysay CC Shakuur

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa xabsiga kasii daysay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo mudo saddex maalmood ku xirnaa xabsiga ay leeyihiin ciidamada NISA oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Tallaabadan ayaa timid kadib dedaallo xooggan oo ay sameeyeen Odayaasha, Xildhibaanada iyo mas'uuliyiinta beeshiisa kuwaasi oo ugu dambeyn ku qanciyay Xukuumadda Soomaaliya inay sii dayso Cabdiraxmaan Cabdishkuur.

Mid kamid ah Xildhibaanada qeybta ka ahaa dadkii ka qeybqaatey wadahadlkii lagu sii daayay CC Shakuur ayaa Warsidaga Garowe Online in Madaxda maamullada HirShabeelle iyo Galmudug ay door ka ciyaareen sii deynta Siyaasigan.

Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa waxaa kasoo muuqday Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow iyo saraakiil kale oo la fadhisay Cabdiraxmaan Cabdishakuur xilliga lasii deynayay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa lasoo xiray habeenkii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay kadib duulaan ay ciidamada gaarka NISA ku qaadeen Hoyga uu ka degan yahay Muqdisho, oo ku yaalla nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Howlgalka ayaa waxaa ku geeriyootay ugu yaraan lix qof oo kamid ahaa ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishkuur.

"Cadaaladda ayaa guuleysatay, Cadaalad-darrada way guul-dareysatay," ayuu ku yiri qoraal kooban oo Twitter-ka soo dhigay Cabdiraxmaan Cabdishakuur markii lasoo daayay kadib.

Sababta loo xiray Cabdiraxmaan ayaa waxay Xeer Ilaalinta qaranka ku sheegtay in uu dhaqaale kasoo qaatey dowlado shisheeye, taasi oo lagu duminayo Xukuumadda uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM