DFS oo War kasoo saartay Xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ayaa ka hadashay howlgalkii xalay lagu soo xiray Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo kamid ahaa Siyaasiyiinta dhaliisha waxqabadka Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre.

Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow, Xeer ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir, ku-simiyaasha Taliyaasha Booliska iyo NISA ayaa Shirka Jaraa'id oo ay uga hadleen xariga Cabdiraxmana Cabdishakur ku qabtay maanta Xarunta Taliska Booliska.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga, Cabdicasiis Xildhibaan oo Saxaafadda u akhriyay warqadda kasoo baxday Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in baaris ay ku socoto Cabdiraxmaan Cabdishakuur, sidoo kalena maxkamad lasoo taagi doono hadii lagu helo dembiyada lagu soo oogay.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in ay iyagoo watey warqad maxkamadeed oo ay ku baaraan Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ugu tageen Hoygiisa xalay, balse ilaaladiisa ay kala kulmeen iska-caabin, sidaasina uu ku dhacay iska hor-imaadka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qaba dhaawac fudud ayay gacanta ku dhigeen ciidamada NISA, waxaana lagu xiray xabsi ku yaalla Muqdisho, oo su'aallo lagu waydiinayo, sida ay dowaldda shaacisay.

Hoos ka akhri War Saxaafadeedka Wasaaradda Amniga:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM