Duqa Muqdisho oo laaley heshiisyo ay gashay dowladii hore

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa laalay dhamaaan wixii heshiis ahaa oo ay la gashay dowladii hore Ganacsatadda maal-geshatay Goobaha loo dal-xiistago ee Magaalada gudaheeda iyo darjiinada.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Eng Yariisow ayaa lagu sheegay in sababta looga baxay heshiisyadaas ay yihiin kuwa sharci darro ah, maadaama aan loo marin nidaam sharciga maalgashiga waafaqsan iyo in aan loo tartamin.

Waxaa loo qabtay loo qabtay Ganacsatadda hadda gacanta ku haysa dhamaan Goobaha loo dal-xiistago ee ah dhul danta guud ah inay isaga baxaan muddo Hal bil gudaheeda ah, iyagoo aan kasoo celin wax hadal ah, sida lagu xusay bayaanka.

"Cid walba oo su'aalo ka qabta, ama u baahan in lasiiyo sharaxaad dheeri ah, waa inay nala soo xiriirtaa ka hor inta aysan dhamaan Mudada halka bil ah," ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Gudoomiye Eng Yariisow.

Heshiisyadaan ay ku maalgeshteen Ganacsatadda Soomaaliyeed dhulalka Jardiinooyinka, ayaa waxaa la gashay dowladii hore, ee uu hogaaminayay Xasan Sheekh, gaar ahaan maamulkii hore ee xilligaa gobolka Banaadir ka talinayay.

Lama oga sabbata dhabta ah ee ka dambeysay go'aanka maamulka Eng Yariisow, inkasta oo ay qiil uga dhigteen qodobo badan, hadana talaabadaan waxaa si wayn ugu cambaareeyay Maamulka Gobolka Banaadir siyaasiyiinta reer Muqdisho.

Mahad Salad oo Xubin ka tirsan Gollaha Shacabka, ahaana Wasiiru dowladihii hore ee Madaxtooyadda Soomaaliya, dowladii Xasan Sheekh, ayaa ku tilmaamay talaabadda Eng Yariisow mid lagu beegsanayo mid kamid ah Beelaha degan Muqdisho.

Xubno kale oo siyaasiyiin Xilldhibaano iyo kuwa aan ahayn, ayaa dhankooda si wayn ugu dhaleeceeyay Duqa Muqdisho go'aanka kasoo baxay, iyagoo ku tilmaamay wax aan la aqbali karin, oo lagu abuurayo cadaawad cusub.

Ma ahan markii ugu horeyay in dowladda Soomaaliya ay cagta mariso heshiis ay horey u gashay dowladii ka horeysay, iyadoo dadka qaar ay ku tilmaamaan talaabooyinkan oo kale "xushmad darro ay dowlad u muujiso midii iyadda ka horeysay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM