Duqa Muqdisho oo shaki geliyay doorashada Qof iyo Cod sanadka 2020

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Eng Yariisow] oo wareysi siiyay Wargeysla "The Star" oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa sheegay in doorasho qof-cod ah aysan ka dhici Karin Soomaaliya sanadka 2020.

Yariisow ayaa sababta ku sheegay in gacanta dowlada aysan ku jirin inta badan dhulka Soomaaliya 80%, sidaas darteeda ay macquul ahayn inay dhacdo doorasho qof iyo cod, oo degmo iyo deegaan kasta oo kamid ah dalka laga sameeyo.

Wuxuu intaas ku daray in marka laga hadlo xitaa Muqdisho ay ku jirto gacanta dowladda 50 boqolkiiba, taasoo uu tilmaamay inay tahay mid aan soo dedajin Karin in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Tan iyo 2011, Muqdisho waxay ku jirtay gacanta dowladda, inkastoo ay Xukuumadda ku guuleysan inay amnigeeda hanato, kana hortagto weerarada horarka ah ee Kooxda Al Shabaab.

“Shaqooyinka Hay’addaheena waa kuwa si hoose u socda, taasoo ka dhigan in doorashadda qof iyo cod ah aysan 2020 macquul ahayn inay dhacdo, waxaana rajeynayaa inaan wax badan ka qaban doono arrimaha taagan,” ayuu yiri Yariisow.

Hadalka Yariisow ayaa kusoo beegmaya xilli uu maamulkiisa u ololeynaya in Muqdisho loo sameeyo maqaam gaar ah, oo ka duwan mika hadda jira oo magaacis ku yimaada, waxaana qorshahan horey xilkiisa ugu waayay Thaabit Cabdi Maxamed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM