Duqa Muqdisho oo raaligalin ka bixiyey war uu ka sheegay Xildhibaanada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow ayaa raalgelin ka bixiyay wareysi uu dhawaan siiyay warbaahinta oo uu uga hadlay hab-dhaqanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Eng Yariisow ayaa raaligelin ka bixiyay hadal kasoo yaarey oo ahaa inuu ka shaqeyn la'yahay Xildhibaano katirsan labada aqalka ee Baarlamaanka iyo Siyaasiyiin, kuwaasi oo uu sheegay in maalin walba xafiiskiisa ay ugu yimaada iyagoo wata dano gaar ah.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in mudo 3 bilood ah ku qaadatey inuu xal u helo Siyaasiyiinta danaha gaarka ah leh ee yimaada Xafiiskiisa, kuwaasi oo ka mashquuliyay howshii uu u hayay Shacabka gobolka.

"Waxaan ku iraahdaa Dowladdii Federaalka waan adin kaga soo tagee, dowladda hoose ee Xamar ayaan imid ee maxaad ii daba socotaan, maad i dhaaftaan, waa mushkilad jirta oo Siyaasaddii isku bedeshay dano gaar ah" ayuu yiri Eng Yariisow.

Hadalkan ayaa dib kala xumaaday Gudoomiyaha waxaana uu si deg deg ah uga bixiyay raaligelin, isagoo ugu qiil-dayay in si qaldan loo fasiray.

Yariisow oo January loo magacaabay duqa Muqdisho, ayaa mudadii xafiiska uu joogay lagu dhaliilay inuu waqtigiisa ugu badan maalintii ku bixiyo ka qeybgalka xafladaha lagu qabto Hoteelada Muqdisho, isagoo u ka gaabiyay waajibaadkii loo igmaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM