Duqayn shacab lagu laayay oo ka dhacday Gedo [Fahfaahin]

Image

BELED XAAWO - Ugu yaraan 4 qof ayaa lagu waramayaa inay ku dhinteen tirro kelana ay dhaawacmeen Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday inta u dhaxeysa degmooyinka Ceel-waaq iyo Belad-xaawo ee gobolka Geddo ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Duqeynta oo la rumeysan yahay inay geysteen diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ayaa waxaa lala beegsaday dad shacab ah oo ku nool tuuladda Laan-quruc oo ka tirsan gobolka Gedo, halkaasoo la sheegay inay ku dileen dad Rayid ah.

Qof kamid ah dadka degaanka, oo la hadlay Garowe Online ayaa shaaca ka qaaday in 3 kamid ah xubnaha duqaynta ku dhintay ay yihiin kuwa isku qoys ah, kuwaasoo kala ah Labo caruur ah, iyo Hooyadooda, halka shaqsiga kale uu yahay nin waayeel ah.

"Diyaarado kasoo duulay dhanka Kenya ayaa gudaha usoo galeen Soomaaliya, iyagoo 2 Gantaal ku dhuftay goob ay ku sugnaayeen Dad shacab ah iyo xoolo oo ka tirsan tuuladda Laan-quruc," qof kamid ah dadka degaanka ayaa sidaas yiri.

Fahfaahinta laga helayo duqaymaha ayaa intaas ku dareysa in diyaaradaha Kenya ay dhulka soo dageen markii ay duqayntaan fuliyeen, iyaga oo sameeyay howlgalo, kuwaasoo ay ku baadi-goobayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab o ay halkaas ku tuhmayeen.

Ma jiro hadal kasoo baxay ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, iyo Wasaarada Difaaca dalkaas, iyadoo xiriir uu GO la sameeyay mas'uuliyiinta gobolka diideen inay ka jawaabaan.

Maamulka Jubbaland oo si kooban uga hadlay duqayntaan ayaa waxaa ay sheegeen inay baaritaano ku sameyn doonan weerarka cirka ah ee ka dhacay gobolka Gedo, inkasta oo uu ka gaabsaday inuu xaqiijiyo in dad lagu dilay duqayntaan.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii duqaymo xoogan oo ay ciidamada Kenya ka fuliyeen diyaaradooha isla gobolka Gedo, gaara ahaan duleedka Magaalada Garbahaarey, halkaasoo la sheegay inay ku dileen Dad rayid ah, iyo waliba xoolo nool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Laga Saaro Ciidamada Jubaland Kadib Weerarkii Dadka Lagu Laayay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Jubbaland laga saaro dhulka Kenya.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 06:07AM