Duqeymo lagu garaacay caasimadda gobolka Tigray

Image
Telefishinka ku hadla afka jabhadda TPLF ayaa dhacdan ku eedeeyay xukuumadda Abiy Axmed.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Duqaymo xagga cirka ah ayaa ka dhacay caasimadda gobolka Tigray ee waqooyiga waddanka Itoobiya ee Maqale, sida ay ku warantay wakaaladda wararka Reuters.

Sida ku xusan warbixinta lagu soo xigtey illo wareedyo ka tirsan dowladda oo magacyadooda aanan lasoo bandhigin, falkaas waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo rayid ah.

TV-ga Tigrai ayaa sheegay in weerarka magaalada Mekelle uu ka dambeeyay “Abiy Ahmed”, isaga oo ula jeeda ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo ciidamada dowladda ee uu hoggaaminayo.

Militariga iyo afhayeenka ra’iisul wasaaraha si degdeg ah ugama jawaabin codsiyada faallo ka bixinta eedeyntaas oo kaga yimid falaagadda uu dagaalka xooggan kala dhaxeeyo.

Mid ka mid ah hawlwadeennada gargaarka ee gobolka Tigray ayaa shaaca ka dhigay in duqeymo xagga cirka ah ay ka dhaceen Mekelle. Hase ahaatee, waxay ka gaabsadeen shaacinta tiradda.

Reuters ayaa awoodi weysay inay xaqiijiso wararka ka jira aag ka baxsan xadka saxafiyiinta. Isku dayo warbaahinta caalamiga ah sameeyeen si ay u xaqiijiyaan sheegashooyinkan ururka TPLF.

Milatariga Itoobiya iyo xulufadiisa ayaa 11 bilood dagaal kula jira xoogaga ka soo jeeda gobolka woqooyi ee Tigray. Colaaddan waxay sababtay in ay barakacaan iyo dhimashada boqolaal rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM