Duqeymo lala eegtay Hogaamiyaha Daacish-ka Soomaaliya

Image

BOOSAASO, Puntland - Labo Duqeyn oo isk-xigtay ayaa lala bartilmaameedsaday deegaanno ku yaalla gobolka Bari, ee Puntland halkaasi oo sugan yihiin hogaamiyaal katirsan Daacish-ka Soomaaliya.

Illo-wareedyo ku sugan deegaanada la duqeeyay oo kala ah Buqa-Caleed iyo Daanyo ayaa sheegay in duqeynta hore oo dhacday xalay lala eegtay goob ay ku shirayeen hogaamiyaal sare oo katirsan Kooxda.

Sheekh Cabdul-qaadir Muumin oo ah aas-aasaha garabka Daacish ee ka dagaalama Soomaaliya, ayaa loo maleynayaa inuu ku jiro hogaamiyaasha Duqeynta lala eegtay, iyadoo wali la ogeyn khasaaraha gaaray.

Duqeynta labaad waxay wararku sheegayaan inay dhacday maanta oo Jimco ah Salaadii Jimcaha kadib, taasi oo dad lugeynayay lagu dhuftay, waxaana jirin cid ka hadashay mas'uuliyiinta Puntland.

Dadka deegaanka waxay u sheegeen Warsidaha Garowe Online in aan la ogeyn Gantaallada halka laga soo tuuray iyo cida soo riday, balse loo maleynayo ciidamada shisheeye ee weerarada ka fuliya Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM