Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday bartamaha Soomaaliya

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Sarkaal Ciidan ayaa xaqiijiyay in diyaarado dagaal oo loo maleynayo kuwa Militeriga Mareykanka ay weerar dhanka cirka ah ka fuliyeen gobolka Hiiraan, ee barmaha dalka Soomaaliya.

Duqeyntan oo ahayd mid culus ayaa waxaa lagu burburiyay saldhiga Al Shabaab ay ku leedahay deegaanka Jiiljiilay, oo qiyaastii 4Km dhanka Koonfur uga beegan Tuulada Ceel-Cali oo kawada tirsan gobolka Hiiraan.

Weerarka ayaa lagu dilay, sida uu sheegay Sarkaalka tiro dagaalyahano ah oo katirsanaa Al Shabaab, iyadoo sidoo kale lagu burburiyay agabkii yaalla saldhiga, oo gaadiid dagaal iyo saanad hub ah ay kamid ahaayeen.

Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya wali kama aysan hadlin duqeynta, oo lagu soo beegay xilli laga cabsi qabo in Al Shabaab ay kordhiso qaraxyada iyo weerarada kale xilliga bisha barakeysan ee Ramadan-ka.

Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Africa [AFRICOM] ayaa kordhiyay duqeymaha Soomaaliya, ee ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish wixii ka dambeeyay doorashada Madaxweyne Trump.

Sanadkii tagey in ka badan 35 weerar ayay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka geesteen qeybo kamid ah Soomaaliya oo Puntland ay ku jirto, iyadoo lagu dilay boqolaal katirsanaa Al Shabaab.

Mareykanka ayaa Soomaaliya hadda ka jooga 500 oo Askari, oo qaabilsan caawinta Ciidamada dowladda Federaalka iyo AMISOM dhinac la dagaalanka Al Shabaab, waxaana ay fuliyaan mararka qaar howlgallo gaarka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM