Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Gedo [Fahfaahin]

Image

GARBAHAAREY - Duqeyntaan oo la sheegay inay fuliyeen diyaaradaha dagaalkaee dalka Kenya ayaa waxay ka dhacday degaan qiyaastii 15-KM u jira magaaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in duqaynta lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen Dad shacab ah, oo ahayd meel Beer ah islamarkaana khasaaro dhaawac u badan uu ka dhashay.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay duqaynta Labo qof oo shacab ah, oo mid kamid ah illaa haatan la la'yahay halka uu Jaan iyo Cirib dhigay, halka khasaaro dhimasho oo Xoolo u badan ay jiraan.

Qof kamid ah dadka degaanka oo la sheegay inuu leeyahay Beerta ay diyaaradaha Kenya duqaynta ku beegsadeen ayaa laga dilay 12 Neef oo Ari ah, ayna jiraan khasaaro dhaawac u badan.

"Walaallow diyaarado kasoo kacay dhanka Kenya ayaa Shan Gantaal kusoo dhuftay Beerteyda. Labo qof oo beerta joogtay ayaa ku dhaawacmay, oo mid la la yahay, halka ay igaaga dhinteen 12 neef oo Ari ah," ayuu yiri.

Saraakiisha maamulka gobolka Gedo iyo kan degmadda Garbahaarey oo uu isku deyay Warsidaha Garowe Online uu wax ka weydiiyo dhacadaan way diideen inay ka jawaabaan wacitaankeena.

Sidoo kale, ma jiro war rasmi ah oo Wasaaradda Difaaca Kenya ay kasoo saartay weerarkaan dhanka cirka ah oo la sheegay inay ciidamadooda ay ka fuliyeen deegaan ku dhow magaaaladda Garbahaarey.

Ciidamadda Kenya ayaa tan iyo markii ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya oo ay qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM, waxay wajahayaan eedaymo ku aadan inay si bareer ah u beegsadaan Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM