Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Koonfurta Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Duqeyn diyaaradeed ayaa xalay ka dhacday deegaan ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose, halkaasi oo lagu beegsaday xubno katirsan Al Shabaab.

Sarkaal katirsan maamulka gobolka ayaa Warsidaha Garowe Online in weerarka uu ka dhacay deegaanka Mubaarak, oo qiyaastii 70Km dhanka waqooyi galbeed uga beegan magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarad Drone ah ay dhowr gantaal ku dhufatay saldhig Al Shabaab ku leedahay deegaanka, oo lagu diyaarinayay weerar ka dhan ah ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay xalay saqdii dhexe ay huradad uga soo tooseen dhawaqa qaraxada gantaallada ay diyaaradda ku duqeynaysay fariisamaha Al Shabaab.

Lama oga illaa hadda khasaaraha duqeynta, balse, illo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u sheegay in saldhiga la weeraray ay ku sugnaayeen xubno sare oo kamid ah Al Shabaab iyo dagaalyahannobadan oo diyaarinayo qorsho weerar.

Ciidamada Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha Soomaaliya tan iyo markii uu Trump bixiyay ogolaansho lagu fuliyin karo weerarada ka dhanka ah Kooxaha mintidiinta oo Al Shabaab kamid tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM