​Duqeyn ka dhacday degmada Qoryooley

Image

QORYOLEY, Somalia- Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyootay, 8 kalena way ku dhaawacmeen Duqeyn Madaafiic ah oo ka dhacday saakay aroortii degmada Qoryooley, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Qof kamid ah dadka deegaanka, ayaa GO u xaqiijiyay in madaafiicda qaar ay ku dhaceen Masjid dadka ku tukanayeen Salaadda subax, isagoo intaasi ku daray in qaar kamid ah Jameecada ay ku dhaawacmeen weerarka.

Wuxuu sheegay in Madaafiicda ay ka dambeeyaan ciidamada AMISOM ee degan duleedka Bari ee degmada, kuwaasi oo uu xusay inay markasta oo Al shabaab weeraraan ay shacabka duqeeyaan.

"Ciidamada AMISOM waxay Duqeyn aan kala sooc lahayn saakay kusoo qaadeen degmada, waxaana dhowr hoobiye ku dhaceen Masjid ay dadka salaadda subax ku tukanayeen," Ayuu yiri Goobjoogahu sheegay GO.

Hoobiyaasha kale waxay kuu dhaceen guryo dad shacab ah ku nool yihiin, iyadoo ay sababeen khasaarooyin isagu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Maamulka degmada ayaa diiday inuu ka hadlo duqeynta degmada.

Bishii lasoo dhaafey, AMISOM ayaa 6 qof oo shacab ah ku dishay duleedka Qoryooley, kadib markii ay madfac ku dhufteen Garai HOMY ah, oo khudrad u waday magaalada Baydhono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM