Duqeyn ka dhacday Gobolka Jubbada Dhexe

Image

JILIB, Somalia - Diyaarado dagaal ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay saaka oo Khamiis ah deegaan ay Al shabaab maamusho, oo katirsan gobolka Jubbada Dhexe, ee Koonfurta dalka Somalia.

Duqeyntan oo loo malaynayo inay gaysteen Diyaaradaha Mareykanka, ayaa ka dhacday Tuulo lagu magacaabo Sheekh Axmed Yare, oo ku yaalla inta u dhaxaysa degmooyinka Jilib iyo Kamsuuma.

Mid kamid ah dadka deegaanka, ayaa Duqeynta u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online, isagoo sheegay in diyaaradaha ay dhowr gantaallo ku dhufteen goobo kala duwan, oo halkaasi ku yaalla.

Wuxuu sheegay inay jiraan khasaarooyin kala duwan, oo shacabka deegaanka ku nool kasoo gaarey Duqeynta, oo ahayd mid culus. Al shabaab ayaa la sheegay inay ku jawaabtay Lidka-Diyaaradaha.

Degmada Jilib, ayaa si aad ah loo maqlay jugta gantaalaha ay ridayeen diyaaradaha ku garaaceen Tuulada Sheekh Axmed Yare, oo 50KM u jirta, taasi oo argagax way ku abuurtay dadka deegaanka.

Ma jirto wax war ah, oo kasoo baxay Al shabaab oo ku aadan weerarka cirka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo sheegtay in mudo-xileedka Xasan Sheekh uu dhamaadey

Sidoo kale, hay’adda ayaa ku adkeysatay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 01:05PM

Xasan Sheekh oo la kulmay Danjiraha Turkiga xilli uu fashilmay Wahadalka doorashadda

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu shalay fashil kusoo dhamaadey wahadalkii Mucaaradka iyo Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 11:32AM